Cabdisamad Macalin oo loo doortay xildhibaan+SAWIRRO

1044

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka socota doorashada afar kursi oo kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa lagu bilaabay saakay kursiga tirsiiisu yahay HOP#139, waxaana kursigaan ku guuleestay Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii uu u tanaasushay gabar la tartameysay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan ayaa kamid ah kooxda Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana siyaasigan dhalay hogaamiyaha ugu sareeya Ahlu Sunna ee Macalin Maxamuud Xasan.

 

Magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay sidoo kale la filayaa in lagu doorto saddex kursi oo kale oo iyana lasii ogyahay natiijada kasoo baxaeysa, waxaana kuraastan loo xiray musharaxiin gaar ah.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ayaa hada u muuqata mid isku badashay isku tanaasul, waxaana inta badan xildhibaanada la doortay kusoo baxeen qaab gacan taag ah kadib markii au u tanaasuleen xubno malxiisiin ah ay wateen.