Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir oo loodoortay Gudomiyaha Barlamanka Hirshabeele

1676

Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle ayaa goordhow shaaciyay in Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir, uu ku guuleestay doorashadii guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, ayaa helay codad gaaraya 77 cod, halka Xildhibaan Goodir oo la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana xummaaday hal cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu ballansanaa in ay qabsoonta galabta ayaa saakay laga soo hormariyay waqtiga inkastoo ay soo gaartay xiligaan.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, waxaana uu aad ugu dhowaa madaxda Villa Somalia, oo taageero weyn uu kaga helay guushiisa.

 

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay Xildhibaankii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaan Siraaji, ayaa si gacan taag ah loogu codeeyay waxa uuna sidaas ku noqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle.

Guddiga ayaa sheegaya in hadda laguda geli doono doorashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Axmed Cilmi oo hore xilkaan u heysay iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo ka tirsan baarlamaankii hore ee HirShabeelle hadane ku soo laabtay baarlamaanka 2-aad.

Siyaasiin, odayaal dhaqan iyo xubno ka socda qeybaha Bulshada ayaa goob joog ah doorashada maanta ka socoto Jowhar waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo dhamaato.