Cabsi ka taagan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland+SAWIRRO

1661

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya boqolaal katirsan ciidanka ammaanka ee Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey lagu soo daad gureeyey magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Ciidanka oo wata gaadiidka fudud ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, waxaana ay baaritaano ku samaynayaan gaadiidka dadweynaha.

Shacabka kunool magaalooyinkaasi oo aan u baran tiro ciidan intaasi le’eg ayaa ciidanku waydiinayaan dhalashada Somaliland iyo qofka dammiinka ka ah sida ay goob joogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Howlgalladaan iyo heeganka ciidan ayaa la sheegay inay yimaadeen kadib markii sirdoonka maamulka Somaliland uu helay xogo muujinaya weeraro laga fulin karo deegaamo katirsan maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa kamid ah meelaha ugu ammaanka badan guud ahaanba Soomaaliya, lamana oga cabsida xilligaan taagan iyo sababta xilligaan keentay weerarada laga cabsi qabo iyo nooca ay yihiin.