CADEYMO:- DHAB AH Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhagan yahay , Kiiska Badda

1919

Waa wareysi uu wargeyska Daily Nation la yeeshay safiirka Mareykanka u jooga Kenya. Mid ka mid ah su’aalaha ayaa la xiriirtay muranka badda ee labadda wadan ee Somalia iyo Kenya, iyo waxa uu yahay go’aanka Mareykanka.

Kyle McCarter wuxuu sheegay in USA ay ka shaqeyneyso in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka, wuxuu kaloo sheegay inuu Muqdisho tagay uuna madaxweyne Farmaajo kala hadlay inuu dacwada kasoo saaro maxkamada, oo arrinta wadahadal lagu xaliyo. Wuxuu intaa ku daray in Farmaajo iyo Uhuru ay u sheegeen in caqabada ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al Shabaab.

Dowladda Somalia ma sheegin socdaalka uu Kyle McCarter ku yimmid Muqdisho, kaas oo u muuqda inuu qarsoodi ahaa, balse hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo asbuucii lasoo dhaafay ay maxkamadd ICJ dib u dhigtay wajiga labaad ee dhageysiga muranka badda ee Kenya iyo Somalia.

Waxaa muuqata caqabad weyn madaama Mareykanka oo galaangal badan kuleh arrimaha Somalia iyo adduunka, uu doonaayo in meel ka baxsan maxkamada lagu xaliyo doodda badda ee Somalia iyo Kenya, tiiyoo ay jirto in wajiga labaad ee doodda lagu aadiyay xili ay Somalia ku jirto xaalad doorasho.

Wareysigaan wuxuu kusoo baxay cadadkii maanta ee wargeyska Daily Nation, wuxuuna safiirku ka hadlay arrimo u badnaa kuwa gudaha Kenya.

Waxaa Soo Turjumay  Abdullahi Osman Farah