Cagjar oo taageeray Liyuu booliskii dadka kuxasuqay Dacawaley

20


Qoraal kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Dacawaley oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.

 

Maamulka oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan ayaa sheegay in ciidamadooda ay dagaal la galeen maleeshiyaad ay ku eedeeyeen inay khalkhal-gelinayaan xasilloonida deegaanka.

 

Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in dagaalkii shalay dhacay lagu soo qaaday ciidankooda, isla markaana mas’uuliyadda wixii dhacay aysan shaqo ku lahayn.

 

Dowladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas. Nasiib daro, dablay oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanku ay ku lahaayeen agagaarka tuulada Dacawalay, waxaana ka hortagay ciidanka amaanka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

 

Dhanka kale, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa eedeyn culus u jeedisay Somaliland, waxayna sheegtay in ay jabinayaan daris wamaagga labada maamul, ayna buun buuniyeen dagaalka ka dhacay xadkooda.

Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka soomaalida” ayaa mar lale lagu yiri qoraalka.

 

Somaliland oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa ku eedeysay Liyuu Boolis inay xasuuq ka gaysteen Dacawaley, islamarkaana ay dileen dad xoolo dhaqaqto ah, ayna afduubteen odayaal xal raadin u joogay deegaankaasi.

 

Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.

 

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii shalay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.