Cali Dheere iyo nin kale oo cidanka dowlada isusoodhibay +SAWIRRO

151

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan ururka 47-aad ee guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa maanta deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay kusoo bandhigay nin kasoo goostay kooxda Al Shabaab.

Ninkan kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cali xasan Cali (Cali Dheere ) ayaa in muddo ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna ninkan kasoo dagaallamay deegaanno katirsan maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Cali Dheere ayaa sheegay in Al Shabaab kamid ahaa muddo 12-sanno ah , waxa uuna sheegay in uu kooxdaasi kala kulmay dhibaatooyin badan oo sababtay in uu go’aansado in kooxda isaga soo baxo.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale maanta deegaanka Goof Gaduud soo bandhigay Maxamed Deeq Abdullahi Cali oo isna katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxa uuna ninkan Al Shabaab u qaabilsanaa baadda shacabka.

Xubno badan katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa marar badan lagu soo bandhigay deegaanno katirsan gobolka Baay, kuwaa oo si iskood ah isugu soo dhiiba ciidanka dowladad Soomaaliya.