Cali Guudlaawe Oo Muqdisho U Yimid Caleema-Saarka +SAWIRRO

556

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib howlo shaqo oo maalmihii lasoo dhaafay ugu maqnaa dalka Turkiga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadd ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Muqdisho uga qeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalinta berri oo khamiis ah dhaceysa.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed , Galmudug iyo Puntland ayaa iyaguna lagu wadaa inay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha, waxaana shalay yimid Magaalada Axmed Madoobe.