Cali Guudlaawe oo sooxero geliyay sarkaalkii u diidanaa Beledwayne+SAWIRRO

909

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa la kulmay Korneyl Nuur Dheer Xildhibaan iyo saraakiil kale.

Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qatafkii yaraa ee ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaansha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.

Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.