Cali Jeyte oo hoggaaminaya ciidamo si toos ah u hoos tagaya Xasan Sheekh

158

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa heshiis hordhac ah la gaaray guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo siyaasiyiin kale oo Cali Jeyte isku aragti ahaayeen.

Kulamo saacado badan qaatay oo madaxweynaha la qaatay Cali Jeyte iyo xildhibaanno kasoo jeeda Xawaadle ayaa ugu dambeyn la isku fahmay, waxa ayna labada dhinac isla qaateen in dagaalka Al Shabaab loo midoobo waxii siyaasad ahna dib looga arrinsado.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalllin (Ciid) oo katirsan xuildhibaannada kasoo jeeda beesha Xawaadle lana kulmay madaxweynaha ayaa sheegay in la heshiiyay, waxa uuna xusay in Cali Jeyte loo xil saaray hoggaaminta macawuusleyda beesha Xawaadle.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in labada dhinac ku heshiiyeen in waxii siyaasad ah dib loo dhigo ka hadalkeeda, waxa uuna xusay in Cali Jeyte loo xil saaro hoggaaminta macawuusleyda Hiiraan, isaga oo si toos ah u hoos tagaya madaxweyne Xasan Sheekh.

“Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha,” ayuu yiri xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galay

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha u cadeeyeen in beesha Xawaadle oo leh dhaqan, xildhibaanno iyo siyaasiyiinba aysan aqoonsaneyn maamulka Hirshabelle, kana codsadeen madaxweynaha in uu aqoonsado maamulka Hiiraan State.

“Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid oo kulamadaas ka qayb galay.

Heshiiskan uu madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha Xawaadle ayaa niyad jab ku abuuray maamulka Hirshabelle oo hadda awood badan ana ku laheyn gobolka Hiiraan .