Cali Jeyte oo ka hor yimid qoraal ka soo baxay Hirshabelle

273

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka hor yimid Qoraal shalay ka soo baxay Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure, taasoo maamul cusub loogu magacaabay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn, isla markaana lagala tashan magacaabista Maamulka cusub ee degmada Halgan.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU ARRINTAN KAGA HADLAYO CALI JEYTE IYO WARQADA MAAMULKA CUSUB LOOGU MAGACAABAY DEGMADA HALGAN..

Anigoo wajibaadkeyga shaqo ee dastuuriga ah gudanayo waxaan beeninayaa inaan waxbo kala socon, sidoo kalana aan soo-jeedin ka sameyn Xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle Mudane Cabdi Daahir Guure (karoore) ee Maamulka Degmada Halgan ee Gobalka Hiiraan.

Waxaan masuul ka ahay guud ahaan Degmooyinka iyo degaanada Gobolka Hiiraan waxaa masuuliyad iyo garasho dheeri ah iga saaran tahay Ilaalinta iyo horumarinta xaquuqda Deegaaanka iyo Mida shacabka Deegaanada.

Sidaas daraadeed waxaan cadeynayaa xilka ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey Wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle maaha mid ku timid soo jeedin aan sameeyey mana aha mid aan ogahay.

Dadka iyo Deegaanka reer Hiiraan waxay dagaal kula jiraan kooxda khawariijta Al-shabaab ma jirto Fikir aan ugu mashquuli karno wax badalid iyo magacaabis, ayadoo dowladnimada ay tahay is badalid haddana maaha mid aan wax ka ogahay ka Maamul ahaan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan
Mudane cali Jeyte Cusmaan.