Cali Khaliif Galayr oo sheegay in looga baxay heshiis lala galay + COD

1618

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr marna soo noqday Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Khaatuma State ayaa shaaca ka qaaday in looga baxay heshiisyo dhowr ah oo uu la galay Xukuumadii Madaxweynihi Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in uu hayo heshiis uu la galay Siilaanyo oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in aan weli laheyn cida heshiiskaas fulin laheyd, hayeeshee dhankooda ay diyaar yihiin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka iyo shuruucda lagu tunto ay u baahan tahay cid qaada mas’uuliyadeed,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wadada loo marayo heshiiskaas in la saxo lana fuliyo.

Cali Khaliif Galeyr ayaa xilligii uu ahaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo waxaa uu heshiis la galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana xilligaas wixii ka dambeeyey uu ahaa mid gala safara kala duwan taas oo keentay in uu meesha ka baxo heshiiskaas.