DAAWO:-Cali Shacbaan Ibraahim oo kuguulaystay G/kuxigeenka aqalka sare

602

Waxaa goordhaw soo dhammaatay tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad ee gollaha Aqalka Sare ay ku tartamayeen labo Musharax oo kala ahaa Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahim.

Doorashadan oo aheyd mid adag ayaa wareegii koobaad  noqotay mid labada musharax ay ku kala bixi waayeen ayna isla aadeen wareeg labaad, waxa ayna labada musharax mar kale galeen olole aad u xooggan.

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleestay Senataro Cali Shacbaan Ibraahim oo helay 28-cod halka musharax Cabdixakiin Macalin Axmed uu isna helay 25-cod, waxaana halaabay hal cod..

Madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo laga soo kala doortay labadan senator ayaa olole xoogan u galay doorashada, waxaana mid kasta labada Madaxweyne codad u raadinayay musharax uu watay.

Doorashada guddoomiye kuxigeenka labaad ay ku tartamayaan todobo musharax oo kasoo kala jeeda dhoor dowlad goboleed ayaa iyana goordhaw bilaabanaya, waxaana la filayaa doorashada guddoomiye kuxigeenka labaad in la isla aado wareeg labaad.