DAAWO:-Cali Yare oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Muqdisho

1138

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo diiday in ay ka dhoofaan guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir Cali Yare iyo Ciidamo uu watay.

Sida aan wararka ku helnay Cali Yare iyo ciidamada uu watay ayaa ujeedkoodu ahaa in ay aadaan magaalada Guriceel, hasa ahaatee ciidamada ammaanka ayaa diiday in garoonka kala dhoofo Cali Yare iyo ciidanka uu watay.

Wasaaradda amniga ayaa wararku sheegayaan in ay bixisay amarka Cali Yare loogu diiday loogu diiday in uu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde , warar kale ayaa sheegaya in maamulka Galmudug codsaday in la celiyo Cali Yare iyo ciidankiisa.

Guddomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir ayaan ka hadlin warkan soo baxay ee sheegaya in loo diiday in uu garoonka Aadan Cadde ka dhoofo, mana jiro war kasoo baxay laamaha ammaanka.

Warkan ayaa soo baxaya xilli shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga celiyay guddomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya xilli uu kusii jeeday magaalada Baraawe.