Canada oo sheegtay iney aqoonsaneyso Falastiin

21

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado Dowladda Falastiin, inta uu socdo shirwaynaha Qaramada Midoobay ee bisha Sebtembar, iyadoo cadaadis dheeraad ah la saarayo Israa’iil, xilli gaajo baahsan ay ka jirto marinka Gaza.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Faransiisku sheegay toddobaadkii hore inuu aqoonsan doono Dowladda Falastiin, sidoo kale maalintii Salaasada ahayd ay Britain sheegtay in haddii dagaalka Gaza uusan istaagin marka la gaaro shirka Qaramada Midoobay ee Sebtembar, ay iyaduna aqoonsan doonto.

Ra’iisul Wasaare Carney wuxuu warbaahinta u sheegay in xaaladda dhabta ah ee dhulka Falastiin ka jirta, gaar ahaan gaajada ba’an ee dadka Gaza haysata, ay ka dhigan tahay in rajadii dhismaha dawlad Falastiini ah ay si toos ah ugu sii dhamaaneyso hortooda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kahor yimid aqoonsiga Canada, isaga oo sheegay in ay arrintaasi adkayn doonto in dalkaasi lala galo heshiis ganacsi.

Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas ayaa soo dhoweeyay go’aanka Canada ee aqoonsiga maamul ay leedahay Falastiin isaga oo ku tilmaamay go’aan ”taariikhi” ah.

Dhankiisa qoraal uu soo dhigay barta X ayuu wasiirka arrimaha dibadda Falastiiniyiinta ku sheegay ” Arrintan waa mid dhiiranaan leh oo muujinaysa talaabo weyn oo horay loogu qaaday cadaalada, nabada iyo xaqiijinta dheer ee shacabka Falastiiniyiinta ay muddada dheer ugu halgamayeen dowlad ay iyagu leeyihiin.”