DAAWO:- Caruur laga sooxaday Qardho oo Cadaado lagu qabtay

1889

Maamulka Galmudug ayaa soo qabtay dad la sheegay in ay carruur kala soo goosteen degaanno ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana la sheegay in hadda gacanta lagu haayo tiro caruur ah oo lagala soo goostay degmada Qardho ee Gobolka Bari.

Waxaa wararku ay sheegeayaan in Hawlgal xili danbe ee xaley ay Ciidanka Booliiska Degmada Cadaado ay ka fuliyeen xaafada Waabari ee Magaalada Cadaado ay kusoo qabteen carruurta oo muddo labo sano ah gacanta ugu jiray dad lasoo goostay.

Carruurta ayaa tiradoodu gaaraysaa 8-carruur ah, waxaana lasoo goostay sida la sheegay Jameecada loo yaqaannop Takfiirka oo sida la sheegay gacanta ku hayay caruurtaas.

Sooqabashada carurtaan ayaa waxaa iska kaashaday sida la sheegay taliska Saldhigga iyo Maamulka Degmada Cadaado, waxaana hadda ay sheegeen saraakiishu in ay saacadaha soo aaddan warbaahinta u soo bandhigi doonaan carruurta iyo dadkii haystay.