Caruurta Man United Oo Guuldaro Kala Kulmay Kooxda Astana

1844

Man United ayaa guuldaro kala kulantay Kooxda Astana kulan ka tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada kana dhacay garoonka Astana Arena.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku bilaabay 8 ka mid ah da,yarka kooxda iyaga oo ay xiddigo waaweyn ku jireen Jesse Lingard, Luke Shaw oo dhaawac wakhti dheer ah ka soo kacay iyo Goolhayaha khabiirka ah ee Lee Grant.

Kooxda Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo kooxda Astana ku qaadayay weeraro wakhti hore ah xilli ay caruurta United doonayeen in ay is baraan adduunka.

Daqiiqadii 10-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtanka kulanka ee Jesse Lingard kaas oo Red Devils u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Kooxda Astana ayaa ku dhibaatootay in ay dhaafto wiilasha United qaybtii hore waxana ay ku dhamaatay 1/0 ay Red Devils ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin qaybtii dambe ayay Astana la soo baxday waji cusub iyaga oo Man United ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay Astana dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dmitriy Shomko kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaa daqiiqadii 62-aad iska dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay da,yarka Di’Shon Bernard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Red Devils ayaa isku dayday in ay ku soo laabtaan ciyaarta laakiin Astana ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Caruurta United guuldaro kala kulmeen kooxda Astana.