CC Shakuur oo loo doortay Xildhibaan +SAWIRRO

861

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhow loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa CC Shakuur loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay 86 cod ah oo dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Soomaaliya oo dadaal kasta saameysay, si ay kursigan uga reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay is hayaan Farmaajo.