Ceerigaabo Oo bandow lagu soorogay

515

Kadib markii maalmo kahor Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ay ka dhaceen bannaabaxyo rabshado watay ayaa Maamulka Somaliland waxaa uu Magaaladaasi kusoo rogay bandow, xilliga habeenkii oo ka bilaabanaya 8:00 habeenimo.

Maamulka Magaalada Ceerigaabo ayaa ku wargeliyay shacabka in Magaalada bandow lagu soo rogay habeenkii, isla markaana wixii ka dambeeya 8:00 habeenimo aysan dadka socon karin gudaha magaalada oo looga baahan yahay inay guryahooda joogaan
Bandow ayaa yimid kadib markii Ceerigaabo ay ka dhaceen bannaabaxyo rabshado watay oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka careysnaa nin ay toogasho u geysteen Ciidanka Booliska Somaliland.

Bannaanbaxyadii dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro u badan dhaawacyo, waxaana dadkii dhigayay ay dhagxaan ku tuurayeen Ciidamada Booliska, Somaliland ayaa shacabka Ceerigaabo ugu baaqday in xaaladda ka dejiyo, xalna laga gaarayo falkii dhacay.

Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa marar badan ka dhacay bannaabaxyo rabshado watay oo looga horjeeday Maamulka Somaliland.