Chelsea & Ajax Oo 8 Gool Iska Dhaliyay+SAWIRRO

2268

Kulan Xiiso badan oo siweyn loo wada sugayey ayaa caawa ay isaga horyimaadeen kooxaha Ajax Amisterdam & Chelsea guriga blues ee Stanfodbridge ee magaalada London.

Ciyaarta oo aheyd mid aad uxiiso badan ayaa ku bilaabatay dar dar aad u xoogan iyadoo labada koox aysan waqti badan ku qaadan iney guda galaan jawiga ciyaarta, Kooxda Ajax oo aanba sugin inta hoodi hoodi laga gaarayo ayaa goolka ugu horeeya ugu shubtay Chelsea oo gurigeeda ku ciyaareysay kadib markii laad xor ah oo lasoo qaaday abraham lugtiisa ay ku dhacday sidaas ayeyna gool & waxba ku noqotay.

Inkastoo kulanka nasiino leysu diiday xowliga kubada loo wareejinayey daraaadeed ayaa Chelsea aysan la soo daahin goolka bar baraha kadib Pulusic oo lagu dilay gudaha diilinta ganaaxa waxaana loo dhigay rigoore loo wakiishay xidiga Jorginho sidaasna gool & gool ku noqotay.
Waxbadan meysan ciyaarta ajax ayaa heshay goolkeedii 2aad waxaana u dhaliyey Promes oo Chelsea sidaasi loogu labeeyey iyadoo gurigeeda ku ciyaareysa, lkn lamafilaanka intaasi kuma istaagin Chelsea waa loo sadexeeyey kubad uusoo qaaday Xakiim Zayach ayaa birta inta ku dhacday deedna wejiga u dhacday sidaasi ayeyna shaqaba ku gashay 3-1 ayaana qeybtii hore lagu kala tagay.
Qeybtii dambe ee ciyaarta Lampard ayaa wiilashiisa qolka labiska kula soo hadlay balse hadalkiisa waxba kama soo qaadin xidigaha da’da yar ee Macalin Tenhaag waxaana markii lasoo galay ciyaarta waxaa bilowday weeraro xoogan oo labada dhinac ahaa balse naadiga Ajax ayaa go’aansatay iney ka aargudato chelsea guuldaradii lugiti hore ay soo gaarsiiyeen waxaana naadigan ay latimid goolkii 4aad iyadoona kubad si qurux badan loo dhisay zayash uu ubaasay Van deebeek kadibna shabaqa dhex dhigay, ciyaarta ayaa noqotay 4-1 dadka oo idilna waxa ay aamineen iney ciyaarta dhamaatay balse Lampard & wiilashiisa war kale ayey lahaayeen.
Kacdoonka Chelsea waxa uu ku bilowday gool uu dhaliyey Cecar azbaqueta balse wax badan iyadoo aysan socon ciyaarta waxaa casaan loo taagay Blindoo ajax ka tirsan, sidoo kale Veltman oo isna difaaca ajax kamid ah ayaa casaan lasiiyey sidaasina jahaweer ayey ku gashay , Chelsea Jorginho ayaa u dhaliyey sidoo kale goolka bar baraha 4aad waxa ay kaheleen james Chelsea gool kale ayey dhaliyey balse VAR ayaa diiday kadib markii gacanta uuku taabtay Abraham ciyaarta waxa ay ku idlaatay 4-4 .