Chelsea Oo Bar-Bar dhac Kala Kulmay Crystal Palace +SAWIRRO

73

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League.

 

Blues ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ku hubaysan kalsooni ay ka qaadeen natiijadii weynayd ee ay ka gaadheen Wolves todobaadkii hore.

 

Kooxda chelsea ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas ka xooganaa kooxda Crystal Palace.

 

Daqiiqadii 25-aad ayay Chelsea dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

 

Waxa qaybtii hore ku dhamaatay 1/0 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta isla markaas ahayd kooxda awooda badan.

 

Qaybtii dambe ayay Crystal Palace si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

 

Daqiiqadii 53-aad ayay Crystal Palace dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Eberechi Eze kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

 

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea bar-baro niyad jab leh kala kulantay kulanka.