Chelsea Oo garaacday Liverpool +SAWIRRO

2263

Chelsea ayaa iska xaadirisya wareegga 8-da ee FA Cup-ka waxa ayna laba gool ku garaaceen Liverpool ka dib ciyaar laba qeyb aheyd waana guul daraddii labaad ee xariir ah ee xilli ciyaareedkaan qabsata kooxda Klopp .

Chelsea ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif waxa ayna labada koox wada ciyaarayeen kulan ka tirsanaa wareegga 16-aad ee FA Cup-ka xilli ay soo bandhigeen ciyaar qurxoon

Biloowgii fursado ayay isku heleen balse goolhayaaasha labada koox ayaa bad baadiyay , waxa ayna Chelsea ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh xilli kubadooda ay ka socotay garbaha .

Liverpool waxaa laga haystay qadka dhexe waxa uuna goolka yimid daqiiqaddii 13-aad waxaana laad ku dhaliyay Willian xilli goolkaas uu ku ymid baas ay qaldeen Liverpool sidoo kale goolhayaha ayaa qeyb ka ahaa .

Ka dib goolkaas Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda waliba dhowr jeer ayay sigeen shabaqa Chelsea xilli wiilasha Klopp dhamaadkii ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Garbaha Liverpool dal daloolo ayaa ka muuqday , dhanka weerarkana Mane kaliya ayaa dha qdhaqaqayay xilli Takumi Minamino mudnaa in la badalo oo ma jirrin wax uu qabtay .

Chelsea waxa yaabaha ay ku wacnaayeen waxaa ka mid ah deg degsiimo iyo in kubadda aysan cagta ku daahin, waxaana Chelsea daqiiqadii 42-aad dhaawac looga saaray Mateo Kovacic iyadoo badalkiisa la soo giliyay Mason Mount

Biloowgii qeybta labaad, labada koox waxa ay isku dayayeen in kubadda horay u soo dhaqaajiyaan balse nasiib darro Chelsea xiddigii u dhaq dhaqaayay ayaa dhaawacmay waana Willian iyadoo daqiiqaddii 51-aad lagu badalay Jorginho .

Ka dib dhacdaas , Liverpool iyaga ayaa ku badnaa kubadda waliba aad ayay afka hore ugu soo dhaqaaqayeen iyaga oo baadi goobaya in waqti hore keenaan goolka bar bar dhaca balse daafaca Chelsea waa ay foojignaayeen .

Liverpool waa u dhawaayeen in keeneen goolka bar bar dhaca xilli Chelsea ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah illaa ugu dambeyn ay keeneen gool labaad waxaana laad kaga dhaliyay Ross Barkley oo kubad soo jiiday waxa ayna aheyd daqiiqadii 64-aad xilli ka dib Pedro daqiiqadii 66-aad qasaaroyay fusrad kale waxaana ka bad baadiyay goolhayaha Liverpool .

Sida muuqata macalin Klopp waxa uu ka fikirayay kulankii Atletico badalada waa daahiyay xilli badalkii ugu horeeyya uu ku soo giliyay Firminho iyo Milner oo daqiiqadii 70-aad loo saaray Divock Origi iyo Curtis Jones , waxaana xusid mudan in ka dib badaladaas Liverpool ku sareeyeen maamulka kubadda .

Chelsea waxa ay halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna daqiiqaddii 73-aad gool sedexaad ku sigeen wiilasha Klopp balse birta ayaa u diiday ka dib kubad uu Olivier Giroud ku laaday shabaqa Liverpool .

Liverpool si ugu yaraan shabaqa u soo taabtaan wax aya soo giliyeen Salah oo daqiiqadii 80-aad loo saaray Lallana balse daafac Chelsea waa ay diidanaayeen in si sahal ah lagu tago shabaqooda waliba Chelsea fursado gool sedexaad ayay qasaarinayeen

Dhamaadkii Liveprool isku dayo ayay sameeyeen balse ma mira dhalin xilli Chelsea daqiiqadii 90-aad soo giliyeen Reece James oo loo saaray Olivier Giroud , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee Chelsea isaga xaadiriyeen wareegga 8-da FA Cup-ka.