Chelsea oo garaacday Watford +SAWIRRO

1845

Kooxda chelsea ayaa guul ka gaadhay kooxda dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan ee Watford kulan ay kaalinta 3-aad ka galeen kala saraynta horyaalka premier League.

Blues ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Watford ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan.

Daqiiqadii 5-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Tammy Abraham kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Wiilasha Frank Lampard ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal kale iyaga oo ku qaadayay kooxda Watford weeraro aan kala joogsi lahayn.

Chelsea ayaa samaysay fursado ay ka dhalin kareen goolal intaas ka badan laakiin aanay u suurtagalin in ay goolal u badlaan fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Blues ku horayso dhanka natiijada iyo qaab ciyaareedkaba.

Qaybtii dambe ayay Blues ku bilaabatay wacdaro iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dilaan waliba sii waday fursadaha cajiibka ah.

Daqiiqadii 55-aad ayay Chelsea sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigaha kulamadii ugu dambeeyay is muujiyay ee Christian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakiin daqiiqadii 80-aad ayay Watford soo ceshatay gool kadib markii uu Gerard Deulofeu gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea guul ka gaadhay Watford si ku meel gaadh ahna ula wareegtay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.