Chelsea Oo Garaacday Watford +SAWIRRO

1844

Kooxda chelsea ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Watford kulan ka dhacay Stamford Bridge iyaga oo dib ugu soo laabtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood ku bilowdeen si xasaasi ah oo ay koox walba taxadar ku jirto iskana ilaalinayso goolal wakhti hore ah.

Marka la eego sida ay ciyaartu u socotay waxa la filayay in ay watford dhalinayso goolka hore marka loo eego sidii ay u ahayd kooxda halista ah dhanka weerarada rogaal celiska ah.

Dhanka kale Blues ayaa mar walba oo ay dhanka weerarka u qaado kubada ahayd mid halis ah oo ku khatar galinaysay goolka kooxda Watford.

Daqiiqadii 28-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Chelea ayay ciyaartu u fur-furantay maadama ay Watford daafacii ay ku jirtay ka baxday una aroortay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha.

Blues ayaa daqiiqadii 43-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta kadib markii rikoodhe lagu galay xiddiga Christian Pulisic Kaas oo ahaa halista ay Watford wajahaysay intii ay ciyaartu socotay.

Waxa rikoodhada u istaagay xiddiga Willian kaas oo shabaa dhex dhigay kubada kana dhigay ciyaarta 2/0 ay Chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea heshay wixii ay doonaysay oo ahayd in ay hogaanka si raaxo leh ku qabato.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ka adag qaybtii hore iyada oo kooxda Watford ahayd koox si aad ah u raadinaysay goolal.

Watford ayaa xitaa ahayd kooxda fursadaha badan qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo chelsea u muuqatay kuwo intaas ku qancay kaliyana difaacanayay goolka kadib weeraro rogaal celis ah qaadayay.

Daqiiqadii 90+1 ayay Chelsea dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ross Barkley kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul ay u qalantay sidaasna Man United dib ugala wareergtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier Legaue.