Chelsea Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Crystal Palace +SAWIRRO

1747

Kulan xiiso leh ayaa kooxda Chelsea iyo Crystal Palace ku dhexmaray garoonka Selhurst Park kana tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka Premier Leageu,

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wareer ah iyada oo la isku qaadayay weerar iyo weerar celis walba ay koox walba dhankeeda u doonaysay in ay guul gaadho.

Chelsea oo jawiga kulanka hor gashay ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Crystal palace ayaa bilowday dadaal ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo weerar aan cabsi lahayn ku qaadayay kooxda chelsea.

Laakiin Blues ayaa mar kale Gool kale dhalisay iyaga oo sii dheeryastay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Si kasta ha ahaatee Crystal Palace ayaan niyad jabin iskana dhiibin in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo sii waday dadaalka iyo dhiiranaanta ay weerarka ugu qaadayeen Kooxda chelsea.

Daqiiqadii 34-aad ayay Crystal palace dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gantaal u dhaliyay xiddiga Wilfried Zaha kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Labada kooxood ayaa sii waday samaynta fursadaha iyo waliba isku jawaabista dhanka weerarka iyada oo Chelsea doonaysay in ay sii dheeraysato hogaanka halka ay Palace doonaysay in ay bar-barayso ciyaarta.

Laakiin waxa 2/1 ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood qolka labiska aadeen iyaga oo aan waxba iskula hadhin dhanka dadaalka.

Qaybtii dambe ayay Chelsea u muuqatay kuwo ku bilowday si daafac ah iyaga oo difaacanayay goolkooda kadib qaadayay weeraro rogaali celis ah oo orod ah.

Crystal palace oo iyagu raadinayay goolka bar-baraha ayaa laba jibaaray weerarada iyo isku dayada ay ku doonayeen goolka bar-baraha iyaga oo daafaca iska iloobay.

Daqiiqadii 71-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta oo ay u aragtay midkii ciyaarta hurdada u diri lahaa ugana nafisi lahaayeen cadaadiska badan ee Cristal Palace kana dhigay ciyaarta 3/1.

Laakiin Palace ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay goolkaas iyaga oo uu daqiiqadii 72-aadba goolka u dhaliyay xiddiga Christian Benteke kaas oo ciyaarta halkeedii ku soo celiyay kana dhigay 3/2.

Chelsea iyo Palace ayaa sii waday is dhaafsiga fursadaha iyada oo koox walba isha ku haysay ujeed gaar ah oo ay kulanka ka doonayeen.

Crystal Palace ayaa fursad cajiib ah heshay daqiiqadihii ugu dambeeyay laakiin Chelsea ayaa dhankeeda ugu jawaabtay natiijo kale oo cajiib ah laakiin labada koooxood midna wax gool ah kama dhalin fursadahaas.

Crystal Palace ayaa birta u garaacday kooxda chelsea daqiiqadii 90+4-aad laakiin Kubada ayay daafacyada chelsea iska saareen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta waali ah oo 5 gool la kala dhaliyay laakiin ay kooxda chelsea guul dirqi ah ku gaadhay.