Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay West Ham +SAWIRRO

1518

Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier Leageu.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran oo ayna jirin koox fiican qaybta hore iyada oo labadakooxoodba heleen fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen.

West Ham ayaa gool wakhti hore ah dhalisay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Decline Rice laakiin Goolkaas ayaa laga diiday Offside uu ku jiray.

Chelsea ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay daafaca Thiago Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

West Ham ayaa mar kale dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Jarrod Bowen laakiin goolkaas ayaa laga diiday West Ham sabab la xidhiidha khalad uu galay daafaca Thiago Silva.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah waliba sameeyeen fursado fiican.

Qaybta Dambe:

Labada kooxood ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolasha iyada oo Blues doonaysay in ay disho ciyaarta halka ay West Ham doonaysay in ay bar-barayso.

Kooxda West Ham ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo xitaa marar badan halis galiyay goolka kooxda chelsea kuna dhawaaday in ay gool ka dhaliyaan.

Dhanka kale Blus ayaa iska khasaarisay fursado fiican oo ay heleen kuna dhalin kareen goolal ciyaarta ay ku dilaan.

Xilli ay West Ham ku mashquulsanayd in ay dhaliyaan goolka bar-baraha waliba goobo galiyeen xiddigaha chelsea kuwaas oo difaacanayay goolkooda ayay Chelsea ciyaarta dishay.

Daqiiqadii 78-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Tammy Abraham kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa.

Isla xiddiga Tammy Abraham ayaa mar kale soo laabtay isaga oo daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisa 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea dib ugu soo laabatay wadada guulaha kadib laba guuldaro oo xidhiidh ah oo Premier League ka soo gaadhay.