Chelsea Oo Ku Guuleysatay Europe League +SAWIRRO

1964

Arsenal iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna ciyaarayeen finalka Europa League

labada koox ayaa soo bandhigay hanaan ciyaareed wacan inkastoo halis ahaan ay Arsenal darneyd kuwaasi oo gool raadis ahaa.
Advertisement

Kubadda Chelsea waxa ay ka dhisneyd garbaha xilli Arsenal ciyaarayeen daafac wacan kulamaa Cheslea duullaan qaadaan .

Arsenal dhowr jeer ayay sigeen goosha Chelsea xilli mararka qaarna uu goolhayaha ahaa mid foojigan balse marka hanaan ciyaarta la eego kulanka waxa uu ahaa mid u firan labada dhinac .

Sidaas oo ay tahay kubad haysashada waxaa ku badneyd kooxda Chelsea waxaana daqiiqaddii 44-aad kubad ugu halista badneyd waxa uu goolhayaha Arsenal ka bad baadiyay Olivier Giroud .

Soo laabashadii , durba Chelsea waxa ay dhaliyeen gool waxaana shabaqa taabtay Olivier Giroud daqiiqadi 49-aad sidaas oo ay tahay Arsenal ka dib goolkaas waa ay dadaalayeen mana aysan qaadin wax niyad jab ah

Ozil waxa uu dagaal ugu jiray in uu abuuro fursado balse daafaca Chelsea waa ay wacnaayeen waxaana sidii qeybtii hope kubad ku badneyd Chelsea.

Inkastoo mararka qaar Arsenal gaarayeen aagga goosha Arsenal hadana halista ay abuurayeen kama aysan faa`ideysan waxa ayna heerka kubad haysashada Cheslea gaareysay %55 waxa ayna keeneen gool labaad .

Hazard ayaa ka shaqeeyay waxaana dhaliyay Pedro daqiiqaddii 60-aad waxa ayna taasi sii xumeysay xaalkii Arsenal xilli ka dib goolkaas Arsenal isku dayayeen in kubadda ay maamulaan balse Cheslea ayaa u nugleyd abuurista fursado xaqiiqo ah .

Chelsea dar dar iyo hanaan ciyaareed wacan ayay ka qaadeen goolkaas labaad , waxa ayna ugu dareen Arsenal gool sedexaad waxaana markaan shabaqa dhigay Hazard daqiiqaddii 65-aad waxa uuna ahaa gool rigoore ah

Qaladka rigooradaas waxaa lahaa Ainsley Maitland-Niles kaasi oo Olivier Giroud ku riixay qadka jibiska ka caagan , sidaas oo ay tahay Arsenal dagaal wax ay ugu jireen in natiiajda wax ka badalaan waa ayna helen gool daqiiqaddii 70-aad waxaana saxiixay Alex Iwobi

Ka dib goolkaas ciyaarta dar dar ayay sii yeelatay waliba deg degsiimo leh waxa ayna heerka kubad haysashada Chelsea gareysay %54 waxa ayna Arsenal ugu dareen gool 4-aad waxaana saxiixay Eden Hazard .

Kulankaan waxaa wacdaro dhigayay Hazard kaasi oo shaqooyin badan qabanayay waxa uuna dagaal ugu jiray in tirada goolasha uu sii kordhiyo xilli ASrsenal dhaamadkii ay abuurayeen fursado waliba qaarkood waa ay qasaarinayeen wax aayan ugu dambeyn ciyaarat ku dhamaatay 4/1 oo ay Chelsea ku ku badisay kuna qaaday koobka.