Chelsea Oo Ku Soo Laabatay Wadada Guulaha, Aston Villa Ayay Garaaceen

1851

Kooxda chelsea ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay garaaceen kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Stamford Bridge Kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Chelsea ayaa kooxda Aston Villa kala kulantay iska caabin xoogan qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay chelsea maamulaysay ciyaarta.

Wiilasha Lampard ayaa qadiiqadii 23-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga wacdaraha u dhigaya ee Tammy Abraham kaas oo gool kala soo laabtay dhaawac hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Aston Villa ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Blues kaga dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 41-aad ayay kooxda Aston Villa dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu daqiiqadii 41-aad u dhaliyay xiddiga reer Masar ee Mahmoud Hassan (Trezeguet) kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican laakiin Natiijada labada kooxood bar-baro ka ahaayeen.

Qaybtii dambe ayay Blues ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay sidii ay mar kale ciyaarta hogaanka ugu qaban lahaayeen.

Daqiiqadii 48-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Mason Mount kaas oo kooxdiisa hogaanka ciyaarta u dhiibay kana dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas ugu soo laabatay wadada Guulaha premier League.