Chelsea Oo Lasoo Wareegtay Xiddigii Sideedaad Xagaagan

2138

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wali kusii jirta suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, waxaanay ku dhawaaqday in saxeexii siddeedaad ay samaysay caawa.

Tababare Frank Lampard ayaa dibu-dhis ballaadhan ku samaynaya Blues oo xili ciyaareedkii hore kaalinta afraad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League, waxaana uu lasoo saxeexday ciyaartooyo wax badan kusoo kordhin doona oo uu kasoo bixiyey lacago badan.

Chelsea oo Jimcihii si rasmi ah ula soo wareegtay kubbad-sameeyaha reer Germany ee Kai Havertz, waxa kasii horreeyey oo ay hore saxeexyadooda u xaqiijisay xiddigaha Timo Werner iyo Hakim Ziyech oo ay xagga dambena kaga soo biireen Ben Chilwell, Thiago Silva, Xavier Mbuyamba iyo Malang Sarr.

Kooxda reer London oo uu kiish lacag ah la garab taagan yahay mulkiilaheeda Ramon Abramovic oo ku dedaalaya in Blues ay dib ugu soo laabato horyaalka kaddib saddex sannadood oo ay koobab la’aan ahayd, waxa uu soo faqay lacagtii u baaqatay xagaagii hore oo suuqa iibka ciyaartoydu ka xayirnaa, waxaanay noqotay naadiga illaa hadda lacagtii ugu badnayd ku kharash gareeyey suuqa xagaagan.

Kaddib saxeexa Kai Havertz ee Jimcihii, waxay 24 saacadood kaddib Chelsea ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaadhay Teddy Sharman-Lowe oo ay kala soo saxeexdeen naadiga Bruton Albion ee heerka hoose ee Ingiriiska.