Chelsea Oo Ogolaatay In Ay Iska Fasaxdo tababare Maurizio Sarri

1545

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay iska fasaxdo tababare Maurizio Sarri si uu ugu biiro kooxda Juventus sida uu sheegayo wargayska Sportitalia.

Warka ayaa ka soo baxaya Madaxa wargayska Sportitalia ee Alfredo Pedullà oo ah saaxiib aad ugu dhaw Maurizio Sarri kaas oo shaaciyay wararkii ku saabsana markii uu Sarri ka tagay Napoli kuna biiray chelsea.
Advertisement

Saxafiga ayaa sheegay in uu wakiilka tababaruhu la kulmay madaxda kooxda chelsea kuwaas oo ogolaaday in uu Sarri isaga tagi karo kooxda xagaagan.

Sarri ayaa ku guulaystay koobkiisii ugu horeeyay Arabacdii kadib markii ay kooxdiisa chelsea 4/1 ku garaacday kooxda Arsenal finalka tartanka Europa League.

Waxa la rumaysan yahay in ay chelsea ilaalinayso balan ay u qaaday tababarha in uu iska tago kadib finalka Europa League xilli ciyaareedkna.

Haatan shabakadaha kala duwan ee Sky Sport Italia, goal.com, & Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu Tababare Sarri u duuli doono Juventus sabtida ama Axada si uu u dhamaystiro heshiiskiisa isla markaasna si Rasmi ah loogu dhawaaqo magacaabistiisa.