Chelsea Oo Real Madrid U Sheegtay Qiimaha Dhabta Ah Ee Eden Hazard

1708

Kooxda Chelsea ayaa si kama dambays ah dhigeeda Real Madrid Farta uga saartay qiimaha ay ku fasaxayso xiddigeeda ugu muhiimsan kooxda ee Eden Hazard kaas oo ka sii tagaya kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge inta lagu jiro xagaagan.

Chelsea ayaa Real Madrid u sheegtay in ay doonayso lacag dhan 130 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga Eden Hazard sida uu qorayo Shabakada Sky Sport.

Real Madrid ayaa xiddiga reer Belguim ku qiimaynaysa lacag dhan 100 milyan oo euro sabab la xidhiidha in uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Sky Sports ayaa fahamsan in ayna kooxda chelsea ku qasbnayn in ay iska iibiso xiddiga sidaas darteed ay Real Madrid ku adkaynayso helitaanka xiddiga.

Hazard ayaa dhankiisa si cad u sheegay in uu go,aansaday in uu isaga tago kooxda chelsea waliba doonayo in uu noqdo xiddiga Real Madrid ah dhamaadka tartanka Europa League.

Chelsea oo 28 jir noqday bishii Jnauary ayaa chelsea ku soo biiray xagaagii 2012 isaga oo kaga soo biiray kooxda Lille uguna soo biiray lacag dhan 32 milyan oo euro isaga oo u dhaliyay 108 gool 351 gool.

7-dii sano ee uu joogay kooxda Chelsea Hazard ayaa ku guulaystay horyaalka premier League 2 jeer (2015 & 2017) halka uu sidoo kale kooxda kula guulaystay Europa League (2013), the League Cup (2015) & FA Cup (2018).