Cid Bajaajlayda lacag ku kordhinkartaa majirto ee halasoo cadeeyo

136

Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo ka soo jawaabtay cabashada dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa dafirtay eedeymaha ay soo jeediyeen.

Bajaaj-leyda Muqdisho ayaa labo maalmood ku jiray banaanbaxyo ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, kuwaas oo lagu sameynayo Leesinka ama ogolaanshaha dowladda ee gaadiid wadista, kaas oo ay sheegeen in qiimihiisu gaaray $300.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Bashiir Macalin Cali oo la hadlay Dalsan ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay lacagaha ay sheegeen in lagu soo kordhiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

“Dhalinyaro Leesinku waa $41.5, waxaana qaada wasaaradda Maaliyadda ee wasaaradda gaadiidka ma qaado, ma jirto meel la inku weydii karo lacag intaas ka badan, qofkii dhiibana waa dambiile,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka XFS.

Agaasimaha ayaa dhalinyarada Bajaaj-ta ku shaqeysata ka balan qaaday in ciddii lacag intaas ka badan weydiisa ay talaabo ka qaadi doonto dowladdu, hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhalinyaradu ay sheegeen in Leesinka gaadiidka lagu wado uu qiimihiisu gaaray $300, balse Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka ayaa beeniyey taas.

“Waxaan ognahay in bil kasta qof kasta oo Bajaaj wata bishii laga qaado 15 doollar, waxaana qaada maamulka gobolka Banaadir ee wax dowladda federaalka ama wasaaradda gaadiidka quseeya maaha, sidoo kale ma ogin meel lacago ganaax ah looga qaado Bajaaj-leyda, sharcina maaha hadey jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka wuxuu sheegay in habayaraatee wax lacag ah aysan ka qaadin gaadiidleyda dhamaan, sidoo kalena aysan jirin cid u soo dacwootay wasaaradda.

“Gadiidleyda oo dhalinyarada mooto Bajaaj-ta ay ugu horeeyaan waxaan ka codsaneynaa inay nala wadaagaan cidda ka dalbatay inay bixiyaan $300 cadeeya meesha aad hadalkaas ka keenteen,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in qof kasta oo gadiid kaxeynaya oo Leesin aan wadan uu yahay dambiile, “Lacag ma qabato wasaaradda gaadiidka, marka waxaan codsaneynaa in Bajaaj-leyda Muqdisho cadeeyaan cidda weydiisatay 300 oo doollar,” ayuu yiri Agaasime Bashiir.