Cidda noqonaysa madaxweynaha Hirshabeelle oo Heshiis laga gaarey

1640

Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa xogihii ugu dambeeyey sheegayaan inay heshiis ka gaareen cidda noqon doonta madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kadib khilaaf ka dhex aloosnaa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Beesha Xawaadle ayaa xogihii ugu dambeeyey sheegayaan in lagu qanciyey in caasimadda Hirshabeelle loogu celin doono gobolka Hiiraan ayna afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana sidoo kale taas ogolaaday Cali Guudlaawe iyo duubabka dhaqanka.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka iyo Madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay, in markii ay baarlamaanka ka gudbaan doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sidoo kalane la dhiso xukuumad heysata codka baarlamaanka, ay golaha wasiirada ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin caasimadda looga dhigayo degmo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Siyaasiin, Ugaaska Beesha Xawaadle, guud ahaan odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle iyo Cali Guudlaawe ayaa heshiiskaan wada ogolaaday, waxaana lala wadaagey oo golaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tallaabadaan ayaa waxa ay taabagelinaysaa qorshihii Villa Somalia ee ahayd inay madaxweynaha Hirshabeelle ka dhigaan beesha Abgaal isla markaana si aysan beeshu arrimaha awood qaybsiga awgood ugu tartamin doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya.