“Ciddii Khalkhal Gelinaysa Dalka Xil Kasta Oo Ay Hayso Waa In Gacan Bir ah laguqabtaa”+VIDEO

1602

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sida uu u arko xadhiga ay xukuumadiisu kula kacday xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey kulan uu la qaatay culimada dalka ayaa sheegay inay waajib tahay in gacan bir ah lagu qabto dad uu sheegay inay khal khal galinayaan nabad galyada dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu qaatay dardaaran ay u jeediyeen culimadii kala duwanaa ee uu la kulmay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ugu horayn ka hadlaya dardaaran ay culimadu u jeediyeen ayaa waxa uu yidhi “Dardaarankiinii waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga Qaranka la ilaaliyo si wada jir ah.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xadhiga xildhibaan Dhakool waxaanu yidhi ” ciddii khalkhal galinaysa dalka xil kasta oo ay haysana waain gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn, markaa haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama Qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay, haddii wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii Qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon.”