Ciidamada Ammaanka oo iska caabiyay weerarkii Al-Shabaab ee Sanguuni +SAWIRRO

1614

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay iska caabiyeen weerar uga yimid Al-Shabaab, kaasoo ku bilowday qaraxyo.

Sida wararku sheegayaan dagaal saacado badan qaatay ayay Ciidamada dowladda ay dib u caabiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khasaare xooggan gaarsiiyeen, isla markaana ay jebiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay inay la wareegeen Saldhigga Ciidamada dowladda ku lahaayeen Sanguuni, isla markaana ay askar dileen, kuna qabsadeen saanad milateri

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la sheegay in Al-Shabaab ay damacsanaayeen inay ku qarxiyaan Buundada Sanguuni.

Gaariga oo ahaa nooca Prado Landcruiser ayaa waxaa muraayadaha iyo lugaha looga xiray waxyaabo aanay xabada karin oo ah jaqafyo, si haddii rasaas lagu furo aanay darawalka u waxyeeleyn.

Sawirro laga soo qaaday gaariga la qabtay ayaa la soo geliyay baraha bulshada.