Ciidamada Ammaanka oo toogtay ruux dhaawacay Askari

1577

Ciidamada Amniga ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ku toogtay nin hubeysan oo Askari dhaawacay, iyadoo qof kale oo la socday ninka hubeysan uu ku baxsaday Mooto.

Sida ay sheegayaan wararka labada nin hubeysan ayaa la sheegay in xilliga ay tooganayeen askariga ay goobta ka ag dhowaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay durba ku baxeen rasaas ay rideen ragga hubeysan oo ay ku dhifteen askariga, waxaana ay ku jawaabeen Ciidamada rasaas, taasoo haleeshay mid ka mid ah raggii hubeysnaa oo markii dambe goobta ku geeriyooday.