Ciidamada dowlada oo gaaray Ceelbuur iyo Al-Shabaab oo kacarartay

189

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo isgarabsanaya ayaa kaabiga ku haya degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ku jiraan diyaar garowgii u dambeeyay ee howl-galka ballaaran ee lagu xoreynayo Ceelbuur, xilli ay xalay ku hoydeen duleedka degmada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa shalay waxay si buuxda ula wareegeen tuulada Dac oo qiyaastii 17 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasi oo laga cayriyay dagaal-yahaanadii halkaas ku sugnayd mudada dheer.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyada oo qorshuhu yahay in saacadaha soo socda gudaha loo galo magaaladaas.
Ceelbuur ayaa kamid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howl-galkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garabsanaya.

Hase ahaatee, Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaana xusid mudan in sagaal sano kadib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya.