Ciidamada dowladda oo dad afduubtay

1532

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa habeen hore degmada Hodan ee gobalka Banaadir ku weeraray xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taala degmadaasi.

Warar ayaa sheegay in xaruntaan laga sii daayay dad badan oo dhaqan celin loo hayay, islamarkaana laga ka xeestay ku dhawaad 10 qof oo maamulka iyo shaqaalaha xaruntaas ahaa.

Ciidamada xarunta weeraray ee dadka ka sii daayay ayaa la sheegay in ay heleen warar sheegay in halkaas dadka lagu ciqaabo, islamarkaana ay ka jiraan tacadiyo badan oo xuquuqda bini-aadamka ka baxsan.

Dadka la xiray ayaa la sheegay in ciidanku ay kaxeesteen islamarkaana aan la ogeyn halka ay geeyeen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in lagu xiray xarunta dambi baarista booliska Soomaaliya ee CID, halka warar kale ay sheegayaan in saldhigga degmada Hodan lagu xiray.

Goobaha dadka lagu dhaqan celiyo ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegaa in ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo xuquuqda bini-aadamka ka baxsan oo loo geesto dadka halkaas dhaqan celinta loogu keeno.

Dadka ka soo baxay xarumahaas waxay ku mucneeyeen meel ay taalo “cadaab adduun kii ugu darnaa”.

“lix bil oo dhaqan celin ah waxaa ka roon lix sano oo magafaha liibiyo ku heesto”.

Lama oga sida ay dowladda Soomaaliya wax uga qaban doonto dhibaatooyinka ka jira xarumaha dhaqan celinta Muqdisho oo ay ka jirto dhibaatooyin badan, hase yeeshee horey ayey dowladda u sheegtay inaan arrimaha loo dulqaadan doonin.