Ciidamada dowladda oo soo afjaray weerarkii Hotel SYL

1810

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa abaare kowdii xalay xilliga Muqdisho soo afjaray, hawlgalkii hoteelka SYL ee Muqdisho oo fiidnimadi xalay ay weerareen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay dilaan dhammaan shanti nin ee Shabaabka ahaa ee weerarka ka dambaysay, sida uu sheegay Af-hayeenka dawladda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar.

Shanta nin ayaa saddex ka mid ah waxaa la dilay waxyar un kadib markii weerarka uu billowday hase yeeshee laba ka mid ah ayaa saacado qaatay in la dilo, balse ugu dambeyn laga adkaaday.

Raggan oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa u suurta-gashay in ay kor u fuulaan dhismaha hotelka, halkaasoo ay muddo saacado ah ka dagaalamayeen.

Af-hayeenku waxa uu sheegay inay sidoo kale ay dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan laba ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah askarti howlgalka badbaadada fulisay.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in khasaaraha dhimashada ay ka badan karto tirada hadda la ogyahay, waxaa sidoo kale jira tiro dad ah oo ku dhaawacmay weerarka.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhsu. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxay markii hore la dagaalamayeen Ciidamada Booliska iyo ilaalada hotelka, waxaana dagaalka dib kaga biiray Ciidanka Xoogga Dalka, Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

Ciidamada ayaa intii uu weerarku socday waxay soo samata bixiyeen 82 qof, sida ay mar sii horeysay iclaamisay General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye Kugeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shabaab ayaa waxaa muuqata in ay wax ka bedeleen weeraradii ay ku qaadi jireen Hoteelada Magaalada Mqdisho oo ku bilaaban jiray qaraxyo, ha yeeshee uu weerarkii caawa ku bilowday dagaal toos ahaa oo maleeshiyadooda ay ku qaadeen ilaaladii hotelka.