
Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Smalia ayaa sheegaya in maanta Magaalada Muqdisho ay ka baxeen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Xasan kuwaasoo Madaxweynaha uga sii hormaraya Laas-caanood si ay amniga qeyb uga sii noqdaan.
Sidoo kale waxaa ciidamada la socda qaar ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada kuwaasoo dhamaantood u sii gogol xaaraya socdaalka Madaxweyne Xassan oo ay u tahay markii ugu horeysay oo uu tago Laas-caanood labada jeer uu dalka Madaxweynaha ka noqday.
Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu Khamiista uu gaari doono Laas-caanood si uu uga qeybgalo caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somalia C/qaadir Aw-Cali Firdhiye oo sanadkii hore dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Waqooyi Bari.
Inkastoo marar hore sidaan oo kale loo shaaciyay in Madaxweyne Xasan ku wajahan yahay Laas-caanood hadana uu baaqanayay ayaa hada socodkiisa waxaa xaqiijinaya madaama ilaaladiisa gaarka ah ay saaka u dhaqaaqeen Laas-caanood.
Si kastaba diyaar garow xooggan ayaa ka socda Magaalada Laas-caanood iyadoo wadooyinka lagu xardhay sawirada Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisulwasaare Xamza


















