Ciidamada Puntland oo weeraray Xarunta Baarlamaanka

1610

Rasaas culus oo ka dhaceysay qoryaha waaweyn ee ku rakiban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha fudud ayaa caawa laga maqlay agagaarka aqalka golaha wakiilada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastan ay dhexmartay Ciidamo la sheegay in laga soo diray madaxtooyada Puntland oo gaaray aqalka baarlamaanka iy ciidamada ilaaliya aqalka.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay iney doonayeen xoog iney ula wareegaan xarunta Baarlamanka Puntland hase ahaatee ilaalada xarunta ayaa iska caabin xoogan kala hor yimid sida wararku sheegayaan.

Waxaa joogsaday isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Garoowe, waxaana jirta xaalad kacsanaan ah, iyadoo cabsi xoogan ay soo wajahday dadweynaha degan xaafadaha ku dhow xarunta Golaha baarlamanka ee israsaaseyntu ka dhacday.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan caawa ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana weli halkaas ka aloosan xiisad u dhexeysa ciidamada dagaalamay, iyadoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo goobaha la isku fara saaray.

Arintan ayaa loo malaynayaa iney salka ku heyso Khilaaf siyaasadeed oo maalmahanba u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Puntland Dhoobo-daarood.

Baarlamaanka Puntland ayaana maanta galay fasax dhan muddo sadex cisho ah waxaana lagu balamay in dib loo furo golaha maalinka isniinta ah, iyadoo maalmahan uu jiray abaabulka mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-daarood, kaasoo ay wadaan xildhibaano taageersan Madaxweyne Deni.