
Ciidamada Tigray ayaa Arbacadii la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, xilli ay mar kale sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya maamulka gobolka iyo dowladda federaalka.
Ilo dhinaca ammaanka ah iyo kuwo maxalli ah ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka Alula Aba Nega, iyadoo duulimaadyadii magaalada laga hakiyey.
Shaqaale ka tirsan garoonka ayaa sheegay in isaga iyo shaqaale kale loo sheegay inay guryahooda ku laabtaan kaddib markii ay soo baxday in ciidamada Tigray ay gudaha u galeen garoonka.
“Annaga oo ku sii jeedna garoonka si aan shaqada u aadno ayuu kormeerahayagu wacay darawalka, wuxuuna u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka. Maadaama aysan jirin wax duulimaad ah, wuxuu nagu amray inaan guryaha ku laabanno,” ayuu shaqaaluhu u sheegay AFP.
Ilo amni oo ajnabi ah oo ku sugan Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka.
Wararka ayaa sheegaya in tiro yar oo ka tirsan booliska federaalka ay ilaalinayeen garoonka, balse aan si rasmi ah loo ogeyn xaaladdooda kaddib markii ciidamada Tigray ay halkaas gaareen.
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Mekelle, Axum iyo Shire sababo la xiriira xaaladda amni ee ka jirta gobolka Tigray.
“Ethiopian Airlines waxay si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyada Mekelle, Axum iyo Shire laga bilaabo maanta, sababo la xiriira xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigray,” ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan.




















