Ciidamada Ukraine oo 1,000 km gudaha u galay Ruushka

95

Ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa guulo waa weyn ka sheegtay duullaan cusub oo ay ku qaadeen gobolka Kursk ee katirsan dalka Ruushka, waxa ayna ciidamada gudaha u galeen ilaa 1,000-km oo katirsan gobolkaasi Ruushka katirsan.

Gen. Oleksandr Syrskyi oo katirsan milatariga Ukraine ayaa sheegay in ciidankooda gudaha u galeen 1,000 kilomitir oo isku wareeg gobolka Kursk. waxa uuna xusay in ciidankooda wali kusii siqayaan dhul hor leh oo katirsan dalka Ruushka.

Warkan kasoo baxay sargaalkan katirsan milatariga Ukraine ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee si cad uga hadla howlgalka ka socda gobolka katirsan Ruushka, waxa ayna Ukraine guulo waa weyn ka gaareen duullaankan cusub ay ku qaadeen gudaha Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa ku fashilmay in ay jawaab cad ka nixiyaan duullaankan todobaadka qaatay ee ciidamada Ukraine ku galeen gobol katirsan Ruushka, waxaana milatariga Ruushka qorsheenayaan in ay dagaal xooggan kala hortagaan ciidankan soo galay gobiolka Kursk.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Isniintii sheegay in weerarka ciidamada Ukraine soo qaadeen uu yahay isku day ay xukuumadda Kyiv ku dooneyso in ay ku hakiso duullaanka ciidanka Ruushka ee gobolka Donbas.

Ukrainian servicemen are seen next to a destroyed armoured vehicle, which they said belongs to the Russian army, outside Kharkiv, Ukraine February 24, 2022. REUTERS/Maksim Levin TPX IMAGES OF THE DAY – RC2FQS9F6NBG