Ciidamadii ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon oo laqaaday

1767

Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka qaaday ciidamadii ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon oo qorshuhu ahaa saakay in uu ka dhaco dibadbax u qorsheysnaa Midowga Musharixiinta.

Ciidamadan ayaa xalay la wareegay dhamaanba jidadka soo gala taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ay dowladdu markii hore ku sheegtay in ay sugayaan amniga dadka dibadbaxayaasha ah, laakiin Midowga Mushariixiinta ayaa ciidamada ay dowladdu geysay Daljirka Dahsoon ku tilmaamay kuwa lagu carqaladeynayo dibadbaxa oo ay sheegeen in ay dib uga laabteen.

Waxaa haatan dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqii dadweynaha ee agagarka Daljirka Dahsoon iyo gaadiidka dadweynaha oo shalay ilaa iyo xalay loo diiday isticmaalka aagaga ku dhaw dhaw Daljirka.

Wasiirka Wasaarrada Amniga Xassan Xudubeey Jimcaale ayaa sheegay in markii horeba dowladdu dhib ku qabtay dibadbaxa ay baaqeen Midowga Musharixiinta, waxaana uu uga mahad celiyay Midowga Musharixiinta go’aanka ay qaateen ee ah in ay ka laabteen dibadbaxii maanta oo Sabti ah qorsheysnaa.