Ciidamo badan oo lageeysay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

108

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii wada hadal dhex dhexaadin ah oo ay garwadeen ka tahay Kenya lagu xalin waayay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay nidaamka Doorashada cusub ee hal qof iyo hal cod ee dalka inuu ka qabsoomo oo ay isku maandhaafeen Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

 

 

Ciidamo ka tirsan qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in markii ay halkaasi gaareen ay sameysteen difaacyo cusub, waxaana ay isku diyaarinayaan qaadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

In kasta oo Ciidamadaan ay diiradda saarayaan qaybta koonfureed ee dalka, oo ay ku jiraan gobollada Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe, Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dib-u-dejintoodu aan lagu wargelin maamulka Jubaland, Balse tani waxay xaalada uga sii dari doontaa khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda Jubaland.

 

Maadaama Gedo ay hoos tagto maamulka Jubaland, ma cadda sababaha ka dambeeya ciidamadan in hadda halkaasi loo diro.