Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabeen ciidamo ka cabanayo mushaar la’aan.
Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa dowladda Hoose ee magaaladaasi ayaa cabanayaa mushaar la’aan, waxayna xireen xarunta degmada.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay xitaa diideen in shaqaalaha dowladda hoose ay gudaha u galaan halkaasi, taas oo keentay in shaqadii ay istaagtay.
Qaar kamid ah askarta gadoodka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay sii haysan doonaan xarunta, illaa inta ay ka helayaan jawaab rasmi ah oo ku aadan cabashadooda.
Sidoo kale, waxa ay farriin culus u direen madaxda Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax looga qabto cabashadooda oo soo noq noqotay.
Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugan Gaalkacyo iyo saraakiisha ciidamada ayaan haatan wada dadaallo dheeraad ah, iyaga oo wada-hadallo la bilaabay ciidamada cabanayo ee maanta gadoodka ka sameeyay gudaha magaaladaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa isku dayay inay askartan ku qanciyaan in marka hore ay furaan xafiisyada, waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan xuquuqda ka amqan
Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada Puntland iyo shaqaalaha ayaa ka cabanayay mushahar la’aan, taas oo ka dhalatay xaaladda adag ee uu wajahayo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni oo uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.