Ciidamo gedoodsan oo la wareegey kantaroolada Galkacyo

1007

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka Canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Galmudug.

Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen Ciidamada katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.

Axmed Falagle waxa uu kala fogeeyay wararka la isla xiriirinayo ee ah Ciidanka Gadoodka ka sameeyay Gobolka Mudug & Is casilaadda Wasiirkii Amniga DG Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Falagle.

“Gadoodka Ciidanka lug kuma laha is casilaadda Wasiirkii Amniga, balse gadoodkoodu waxa uu salka ku hayaa mushaarka oo kasoo daahay, xalkooda ayaa la wadaa si loo siiyo xuquuqdooda” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan degaannada Mudug & Galgaduud ay sameeyeen gadood, balse markii dambe la xaliyay.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug ayaa dhanka kale tilmaamay in la kordhinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, arrimaha ciidanka ee taagan ay yihiin kuwo lagu xoojinayo xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.

Golaha Wasiirada DG Galmudug oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoorayaa diiradda lagu saaray Xaaladda guud ee Amniga & arrimaha Doorashooyinka sida lagu sheegay qoraal kulankaas kaddib sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug.