Ciidamo Hor Leh Oo lageeyay Gedo

1427

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ka degtay diyaarad sida Ciidamo Cusub oo ka tirsan ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Gorgor.

Ciidanka ayaa markii ka gaareen Garoonka diyaaradaha Doolow waxaa halkaas kusoo dhaweeya Taliyaha Ciidanka nabadasugida iyo Sirdoonka Qaranka ee degmadaas Cabdullaahi Cumar Cilmi iyo Saraakiil kale.

Ciidankan oo dowladda Soomaaliya geeysay Gedo ayaa kusii wajahan Magaalada Ceel-waaq iyo Balad-xaawo gaar ahaan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan dowladda Federaalka ay Ciidamo hor leh halkaas ku daabushay.

Warar soo baxaya ayaa soo sheegaya in Ciidanka gaaray Doolow ayaa yihiin kuwo la doonayo in xoojiyo kuwa haatan ku sugan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay kamid noqdaan Ciidanka halkaas jooga.

Sawirro laga soo qaaday Ciidamada ka degay Magaalada Doolow ayaa muujinayay inay aad u hubeysan yihiin Ciidanka, isla markaana ay wataan hubka noocyadiisa kala duwan, iyagoona Saldhigyo ka sameeyn doona goobta loogu tala-galay in la geeyo

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo u geeysay Ciidamo farabadan, kuwaasi oo dagaal adeg la galay Wasiirka amniga Jubbaland, sidoo kalena Gobolka ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga.