Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ka soo baxay furumaha hore ee dagaalka

1821

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 12-ka April, ayaa maanta isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay muddo ku sugnaayeen.
Deegaanka Dhanaane, ayaa dhaca waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, waana deegaan muhiim u ah ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Shabaabka Shabeellaha Hoose.

Sida warka uu nagu soo gaaray, ciidamada ayaa gebi ahaanba faarujiyey dhufaysyadii iyo difaacyadii ay halkaasu ku lahaayeen oo saldhig u ahaa, islamarkaana ay kala dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan qeybta 12-ka April ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay uga soo baxeyn deegaanka ay tahay ayada oo afar bil aan la siin wax mushahar ah.

Ciidamadan ka tirsan qeybta 12-ka April, ee maanta mushahar la’aanta darteed uga soo dareeray deegaanka Dhanaane, ayaa muddo bilo ka hor howlgallo kula wareegay deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

Ciidamadan maanta soo baxay oo kaliya maaha, hase yeeshee ciidamada xoogga dalka ayaan inta badan qaadan wax mushahar muddo afar bilood ah, waxaase maalmihii dhowaa ka dhammaaday dul-qaadkii.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale la’aan iyo musuq-maasuq ay isugu darsameen bilihii dhowaa, waxaana inta badan lacagta lagu bixinayey shaqaalaha rayidka ah, madaxda sare, dagaallada siyaasadeed, iyo warbaahinta iyo shaqsiyaadka dowladda ka ammaan baraha bulshada.