Ciidamo La Magac Baxay ATMIS Oo Lagu Bedelayo AMISOM

990

Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika ayaa is-afgarad ka gaaray qorshaha kala guurka ee ay AMISOM uga baxeyso Soomaaliya, kadib markii ay miro dhaleen wadaxaajoodkii lala yeeshay Golaha Amniga & Nabadda ee Ururka Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika ay amniga dalka kala wareegaan AMISOM, kuwaas oo loo bixiyey ATMIS, iyaga oo heysto 2 sano.

Howl-galka ATMIS ayaa sidoo kale noqon doono mid kumeel gaar ah, wuxuuna ku egyahay illaa inta laga gaarayo bisha December ee sanadka soo socda 2023-ka.

Ciidamadan cusub ayaa la wareegi doono mas’uuliyadda amniga, waxayna qaban doonaan shaqooyinkii ay hayeen ciidamada AMISOM, marka ay dhammaato muddada labada sano ahna, waxay amniga dalka ku wareejin doonaan ciidanka Soomaaliya, sida lagu heshiiyey.

Qorshahan ayaa soo socday bilooyinkii lasoo dhaafay, kadib markii ay dood adag kala dhalatay qorshaha kala guurka ee ciidanka Midowga Africa ee magacooda loo soo gaabiyo AMISOM, hayeeshii is afgaradkan ayaa lagu gaaray wadahadalladii u dambeeyey ee dhacay.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalal badan oo Afrikaan ah ayaa Soomaaliya joogay in ka badan 15 sano, iyaga oo dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka.

Illaa iyo hadda ma dhammaan dagaalka, waxaana xoogaga Al-Shabaab ay weli gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho oo ay ka dhasheen murano xoogan oo sababay dib u dhac balaraan.