Ciidamo la wareegey xaruntii barlamaanka Puntland

1612

Ciidamo gaar ah oo katirsan baooliska Puntland ayaa habeenimadii xalay la wareegey xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe, xilli maalmihii ugu dambeeyey muran xoogani ka taagnaa.

Arrintaan ayaa timid kadib markii xildhibaano barlamaanka katirsan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ugu baaqeen inuu waxka qabto Amniga Xarunta Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta ku afduubtay Ciidamo u gaar ah.

Dhanka kalena, xildhibaanada ayaa waxa ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland in Ciidamada horay u jeeogay xarunta ay ahaayeen kuwo uu ku caburinayay xildhibaannada ka aragtida duwan, isla markaana u adeegaya guddoomiyaha.

Ciidamada Booliska ah ayaa waxaa ay dhamaan la wareegeen Goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada laaga wareejiyay, waxaana loogu talo galay inay sugaan Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.